Maalin wanaagsan dhamaan akhrsitayaasha Shabakadda Hiilkubad ee ciyaaraha, waa xiligii aad nooga barateen inaan idiin soo gudbino wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Waxaan soo aruurinay wararkii ugu dambeeyay oo ay qoreen warbaahinta kubada cagta, dhamaan wararka xanta ah ee aan soo gudbineyno waxaan u xaglin doonaa halkii aan kasoo xiganay masuulna kama noqon doono dhabnimada ama xaqiiqada warkaas.
Hadaba Maanta oo Arbaco ah wararkii ugu dambeeyay ee la isla dhexmarayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaa ka mid ah:
Arsenal Oo sooxera galindoonta goolhayaha Real Madrid Iker Casillas dhamaadka xilli ciyaareedkan, Iyadoo Casillas uu kacabsi qabo in goolhayah kooxda Manchester United David de Gea Uu boosla laabaxo .
Sida ay qortay: the sun
Manchester United amaah ku siindoonto ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Adnan Januzaj kooxda Everton xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii macalin Louis van Gaal ayaa go’aansaday in uusan ahayn qorshahihiisa koowaad ee safka hore xidiga kooxda .
Sida ay qortay: the sun
Nathaniel Clyne ayaa ku dhow inuu iska diido u dhaqaaqo Old Trafford uuna heshiis cusub u saxiixo kooxda Southampton.
Sida ay qortay: the sun
Tottenham ayaa dooneysa inay heshiis cusub kasaxiixdo Ciyaaryahanka kaga ciyaara khadka dhexe ee Nabil Bentaleb si ay meesha uga saarto xiisaha ay kooxa Serie A uqabaan xidigaan .
Sida ay qortay: Daily star
Everton, Newcastle iyo Stoke ayaa dhamaantood diyaar u ah inay bixiyaan lacagata 15 milyan oo ginni Oo ay Crystal Palace ey ku qiimaysay ciyaaryahanka garabkakaga ciyaara Yannick Bolasie .
Sida ay qortay: Daily mirror
Paris Saint-Germain ayaa u dhaqaaqdo xiddiga diirada u saaran Manchester City Kevin de Bruyne, kaasoo ka tagi doonokooxda Wolfsburg xagaagan
Sida ay qortay: Daily mirror
Roma ayaa u kuurgalaysa xaaladda xiyaariyahanka kooxda Manchester City eeSamir Nasri.
Sida ay qortay: Daily mail
Arsenal ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa Charlton Joe Gomez.
Sida ay qortay: Daily mirror