Home » Maxaa Cusub » Warbadane Lukas Podolski Oo Sheegay Inuu Dib Ugu Soo Laaban Doono Arsenal

Warbadane Lukas Podolski Oo Sheegay Inuu Dib Ugu Soo Laaban Doono Arsenal


Podolski1

Inta badan waxaa la sheegaa in Lukas Podolski waqtiga uu ku bixiyo adeegsiga Twitter-ka uusan ku bixinin kubada cagta!

Weeraryahanka reer Jarmal waxaa dhaqan ka ah inuu xili walbo Twitter-ka soo dhigo war cusub haatana wuxuu ka dhawaajiyay marka uu xili cayaareedkan soo idlaado inuu dib ugu laaban doono Arsenal.

Podolksi bishii Janaayo ayuu Arsenal isaga tagay wuxuuna qaab amaah ah ku aaday kooxda Inter Milan balse ilaa haatan kooxdiisa cusub wax gool ah ma uusan dhalinin.

Sidoo kalena xidigan waxaa lagu tilmaamay inuu fashilmay garoonka San Serio madaama shaqadii kooxda loo keenay uu qaban waayay.

Lukas Podolski oo ka dharagsan in Inter aysan wax lacag ah isaga qasaarin doonin hadii uusan isbadal la imaanin inta ka harsan xili cayaareedkan ayaa sheegay inuu Waqooyiga London dib ugu laban doono.

“Arsenal weli heshiis ayaan kula jiraa waxaana qandaraaskeyga iiga dhiman hal sano marka waxaan doonayaa inaan dib ugu laabto kooxdyedii hore”

29-jirkan 7-kulan ayuu Serie A-da Inter u saftay welina wax gool ah ma dhalinin waxaana loo doortay laacibka labaad ee ugu xun sanadkan 2015 horyaala Talyaaniga kaliya waxaa isaga ka liito Alessio Cerci oo isagana AC Milan ku jah wareersan kadib markii uu Atletico Madrid kasoo tagay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>