Kooxda AC Milan oo suuqa Yurub ka baadi goobeyso kubad bur buriye tayo wanaagsan ayaa haatan u weecatay sidii ay kusoo xero galin laheyd Axel Witsel.
Naadiga Zenit St Petersburg oo uu xidigan ka tirsan yahay ayaa xaqiijsay inay dalab ka heshay dhanka AC Milan sidoo kalena ay haatan wada hadalo xasaasi ah sii amba qaadi doonaan labada dhinac.
Axel Witsel tan iyo bilawgii xagaagan naadiga Juventus ayaa lala xariirinaayay balse xidigan ayaa ka quustay rajada uu ku aadi lahaa magaalada Turin madaama Juventus ay lasoo saxiixatay Sami Khedira.
Kadib markii Milan saxiixa Geoffrey Kondogbia ay naadiga Inter kaga guuleesatay waxay haatan Milan xooga saareysaa sidii ay Witsel heshiis ula gaari laheyd.
Wararka ka imaanayo dalka Russia ayaa sheegayo in Milan iyo Zenit wada hadalada u socdo uu waqti qaadan karo madaama naadiga Zenit ay xidigan ku dooneyso 30-milyan oo euro ah halka Milan ay saxiixiisa ugu tala gashay 20-milyan oo euro ah.
Axel Witsel dhankiisa diyaar ayuu u yahay ku biiritaanka naadiga AC Milan waayo xidigan horey ayuu u sheegay inuusan xagaagan lasii joogi doonin kooxdiisa Zenit madaama uu dhibsaday nolosha dalka Russia asigoo halkaas ku sugnaaa 3-sano ee ugu dambeesay.