Home » Horyaalada » italian Serie A » Warbixin: Andrea Pirlo Oo Maanta La Kulmaya Wakiilo Ka Socda Kooxda Sydney Si Ay Ugu Qanciyaan Inuu Australia Ka Ciyaaro

Warbixin: Andrea Pirlo Oo Maanta La Kulmaya Wakiilo Ka Socda Kooxda Sydney Si Ay Ugu Qanciyaan Inuu Australia Ka Ciyaaro


pirlo

Sida ay tilmaameen warbixino ka imaanaya Australia wakiilo ka socda naadiga Sydney ayaa maanta oo talaado ah la kulmi doona Andrea Pirlo iyo wakiilkiisa kadib guuldaradii Finalka Champions League-ga ee Barcelona kasoo gaartay bilowgii todobaadkaan.

Andrea Pirlo oo 113-kulan u saftay xulka Azzurri ayaa lala xiriirinayaa inuu aadi doonto horyaalka Mareykanka xili qandaraaska uu Juventus kula jiro uu kaga harsan yahay kaliya 1-sanadood.

Balse kooxdaan reer Australia ayaa dooneysa iney Pirlo ku qanciso inuu raaco wadadii Alessandro Del Piero kaas oo kadib waayahiisa Juventus aaday isla kooxda Sydney sanadii 2012.

Si kastaba ha ahaateen kooxdaan Sydney waxey baadi goob ugu jirtaa iney la saxiixato ciyaartoyda howlgabka ku dhaw ee aan awooda usii yeelan karin iney waxbadan kasii ciyaaraan qaarada yurub si ay ugu howl galiyaan horayalka Australia.

Ugu dambeyntiina Pirlo ayaa ka dhawaajiyay in Ilmadii uu ilmeeyay habeenkii finalka Champions League-ga aysan aheyn mid macsalaameyn ah.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>