Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Arsenal Oo Heshisi Hordhac Ah La Gaartay Weeraryahanka Fc Porto Jackson Martinez

Warbixin: Arsenal Oo Heshisi Hordhac Ah La Gaartay Weeraryahanka Fc Porto Jackson Martinez


jackson-martinez-600x317

 

Arsenal ayaa ka jawaabtay hadalkii Thierry Henry ee ahaa in Olivier Giroud uusan ku filneen awooda weerar ee kooxda waxeyna heshiis hordhac ah la gaareen Jackson Martinez oo ka tirsan kooxda Fc Porto sida ay ka qoreen warbaahinta dalka Portugal.

Jackson Martinez heshiiska uu naadigiisa kula jiro waxaa lagu jabin karaa 24.8 Malyan Oo Pound, Jornal di Noticias oo ka mid ah wargeysyada kasoo baxa Portugal ayaa sheegay in xidigaan uu heshiis la gaaray xubno ka tirsan Arsenal ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga furmin.

Jackson Martinez oo 28-jir ah ayaa muujiyay awoodiisa xagaagan kadib markii uu 32-gool u dhaliyay dhamaan tartamada oo dhan waana xidig ku haboon kooxda Gunners.

Ugu dambeyntii Wenger ayaa ku dhawaaqay dhawaan in kooxdiisa ay sameyn doonto afar saxiix oo muhiim ah isagoo ka sameyn doono goolhaye, daafac, dhex iyo weerar.

Embedded image permalink

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>