Home » Maxaa Cusub » Warbixin Arsenal Oo Iska Iibin Doonto Wilshere Si Ay Usoo Iibsato Morgan Schneiderlin

Warbixin Arsenal Oo Iska Iibin Doonto Wilshere Si Ay Usoo Iibsato Morgan Schneiderlin


Morgan Schneiderlin

Warar cusub oo laga helaayo gudaha garoonka Emirates ayaa sheegayo in kooxda Arsenal ay xagaagan iska iibin doono Jack Wilshere si ay usoo gadato MorganSchneiderlin oo khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Southampton.

Macalin Arsene Wenger haatan wuxuu taagan yahay heer uu iska iloobo Wilshere wuxuuna heestaa xidigo aad uga wanaagsan booskiisa sida Ramsey, Cazorla iyo Ozil.

Sida darteed Wenger baahida uu qabo ayaa ah inuu gacanta kusoo dhigo kubad bur buriye tayo wanaagsan wuxuuna mudo dheer isha la raacayay laacibka reer France Schneiderlin.

Schneiderlin waxaa afka lagu hayaa inuu xagaagan kooxdiisa Southampton isaga tagi doono madaama xili cayaareedkan laga hor istaagay inuu garoonka San Miro isaga tago.

Arsenal qorshaheeda kowaad wuxuu yahay inay Wilshere iska iibiso waxaana saxiixa xidigan ku raad joogaan kooxaha Man City iyo Liverpool waxayna Gunners-ka ku doonayaan in ka badan 25-milyan oo pound.

Dhanka kale Schneiderlin isaga waxaa lagu qiimeyn jiray bilawgii xili cayaareedkan 27-milyan oo pound balse xagaagan Arsenal waxay ku heli kartaa qiimo ka hooseeyo 20-milyan oo pound madaama uu kooxdiisa ku cadaadinaayo inay iska fasaxdo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>