Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Aston Villa Oo Man United Ku Wargalisay Qiimaha Ay Ku Qaadan Karto Ron Vlaar

Warbixin: Aston Villa Oo Man United Ku Wargalisay Qiimaha Ay Ku Qaadan Karto Ron Vlaar


Vlaar

 

Kooxda Aston Villa ayaa ku wargalisay dhigeeda Manchester United qiimaha ay ku qaadan karto daafaca reer Holland Ron Vlaar kaas oo si ba’an looga doonayo garoonka Old Trafford, 12 Malyan Oo Pound Ayuuna kaga tagi karaa kooxda.

29-jirkaan reer Dutch ayaa isbaray dunida kubada cagta koobkii Aduunka, wuxuuna xulkiisa ka caawiyay iney tiigsadaan kaalinta sadexaad, isagoo ka hoos ciyaarayay xiligaas Van Gaal oo haatan doonaya inuu mar kale xidigaan maamulo kuna sugan United.

ESPN ayaa ku warantay in Van Gaal uu kaliya bixinayo 12 Malyan si uu xidigaan ugu xiro maaliyada guduudan ee Shayaadiinta Cas-cas.

Louis Van Gaal ayaan wali ku kalsooneen daafaciisa waxaana kooxda aysan helin xidigo buuxiya boosaskii ay ka tageen Vidic, Ferdinand iyo Evra inkastoo ciyaartoy laba ah daafaca lagu soo biiriyay wali kama soo bixin waajibkooda rasmiga ah.

Ugu dambeyntii sidoo kale Manchester United ayaa isha ku heysa daafaca kooxda Borrusia Dortmund Mats Hummels kaas oo aan wali la saleyn mustaqbalkiisa kooxda reer Jarmal.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>