Sida ay qoreen warbaahinta Ingiriiska weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku ayaa soo galay liiska xidigaha ay kooxda Atletico Madrid dooneyso iney lasoo saxiixato.
Difaacdayaasha horyaalka La Liga ayaa laga yaabaa iney lumiyaan Mario Mandzukic marka uu dhamaado xagaagan, madama xidigaan reer Croatia si ba’an loola xiriirinayo inuu dib ugu laaban doono kooxdisii hore Wolfsburg.
Sida ay qortay The Sun, Atletico Madrid ayaa damacsan iney Everton kala hadasho xaalada Lukaku si uu badal ugu noqdo Mario Mandzukic.
Mino Riola oo ah wakiilka xidigaan reer Belgium ayaa ka dhawaajiyay in Lukaku uu leeyahay tayo uu ugu ciyaaro kooxaha waweyn isla markaana wuxuu qiray inuu kooxaha waaweyn ee yurub mid ku biiri doono dhawaan.