Home » Horyaalada » La Liga Spain » Warbixin: Barcelona Oo Aad Uga Carootay Warbixin Ay Qortay El Pais Taasoo La Xiriirineysa Macalinka Madrid Carlo Ancelotti

Warbixin: Barcelona Oo Aad Uga Carootay Warbixin Ay Qortay El Pais Taasoo La Xiriirineysa Macalinka Madrid Carlo Ancelotti


ancelotti-660x330

 

Kooxda Barcelona ayaa si xun uga carootay hadal ay baahisay El Pais taasoo ay kula xiriirisay kooxda ka dhisan Camp Nou macalinka Madrid Carlo Ancelotti.

El Pais ayaa shalay qortay in Barcelona ay liiska macalimiinta ay dooneyso iney ku badasho Enrique uu ugu jiro Ancelotti kaas oo koob la’aan istaajiyay kooxda ka dhisan Bernabeu xagaagan, inkastoo Enrique qudhiisa uuba qarka u saaran yahay inuu Sadexley koobab ah u qaado Bulgarana.

Josep Maria Bartomeu oo ah madaxweynaha Barcelona ayaa si caro leh uga jawaabay qormada El Pais isagoo sheegay in arimahaan ay yahiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in lagu qalqal galiyo kooxda Barca madama ay joogto laba ciyaar finaal oo ay dhamaadka May iyo horaanta June lakala ciyaari doonto Bilbao iyo Juventus.

“Aad baan uga caroonay wax walba oo ku saabsan xaalada Ancelotti” ayuu yiri, “Dhamaan wararkaas waa been abuur iyo been iska cad” Ayuu yiri Bortameu.

“Arimahaan waa kuwo lagu qalqal galinayo dareenka ay kooxda u qabto labada ciyaar finaal ee soo aadan”

“Enrique wuxuu heshiis kula jiraa kooxda wuuna sii wadi doonaa, wuxuu qabtay howl fiian, miyaa la kordhin doonaa heshiikiisa? taas waxaan kala hadli doonaa mustaqbalka”

Ugu dambeyntii Jose Maria Bortameu ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Enrique uu sanado badan joogo Barcelona, balse ay jiraan doorashooyin saameyn kara arintaas.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>