Sida lagu soo waramayo Barcelona ayaa dib u dhigeysa xiliga uu Pedro Rodriguez ku biirayo Manchester United taasna waxey la micno tahay inuu xidigaan weynayo kulanka furitaanka Horyaalka Ingiriiska oo ay United gurigeeda kusoo dhaweyneyso Tottenham Hotspur 8-da August.
28-jirkaan reer Spain ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu ku biirayo Manchester United madama Di Maria uu kooxda ka huleelayo maalmaha soo socda.
Angel Di Maria wuxuu maalmaha soo aadan 44 Malyan Oo Pound ugu biirayaa kooxda ka dhisan Parc des Princess ee PSG taasna waxey la micno tahay in United ay iyana Barcelona kala soo saxiixaneyso Pedro.
Express ayaa qortay in Barcelona ay Pedro u ogolaaneyso inuu ka tago Camp Nou kadib kulanka Super Cup-ka ee ay Sevilla la ciyaari doonaan 11-ka August, madama ay koxoda shaki ka qabto bad qabka Messi iyo Neymar.
Ugu dambeyntii Pedro Rodriguez wuxuu nasiib u heli karaa kaliya inuu ciyaaro kulanka labaad ee horyaalka waa hadii la dhameeyo sheekadiisa.