Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Chelsea Oo Horyaalka Ingiriiska Ka Dhex Heshay Goolhayihii Badali Lahaa Peter Cech

Warbixin: Chelsea Oo Horyaalka Ingiriiska Ka Dhex Heshay Goolhayihii Badali Lahaa Peter Cech


Cech

The Mirror ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Chelsea ay haatan wada xaajood la furtay dhigeeda naadiga Stoke City ayadoo ku kalsoon inay xagaagan ka heli karto goolhaye Asmir Begovic.

Xidiga reer Bosnia ayaa lagu wadaa inuu badal u noqdo Petr Cech oo go’aansaday inuu Chelsea isaga hayaamo.

The Mirror ayaa sheegay in Chelsea ay diyaar la tahay qiimaha xidigan kooxda Stoke dul dhigtay waana £10.5m sidoo kalena £10.5m dhankiisa diyaar ayuu u yahay inuu Galbeedka London usoo baqoolo.

Macalin Jose Mourinho ma doonayo inuu xili cayaareedka dambe dhibaato dhanka goosha kooxdiisa ka qabsato madaama uusan isku haleyn karin hal goolhaye.

Wuxuuna doonayaa Thibaut Courtois inuu la tartansiiyo Begovic oo ah goolhaye waaya arag ah oo sano badan ka cayaarayo Premiership-ka England.

Inkastoo Begovic uu dalabyo ka duwan ka heesto kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo diyaar ula ah boos joogto ah hadana goolhayehaan wuxuu doonayaa inuu koobka horyaalada Yurub ka qayb qaato.

Waana arinka u sahlayo inay Chelsea gacanta ku dhigto Begovic oo ka mid ah goolhayeyaasha ugu wanaagsan Premiership-ka England.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>