Saxiixa ugu qaalisan Manchester United Angel Di Maria ayaa ku waramay inuu u saxiixay kooxda Monaco si uu ugu biiro ka hor inta uusan usoo dhaqaaqin garoonka Old Trafford.
Garabkaan reer Argentina ayaa sameeyay wax qaas ah kadib imaatinkiisa horyaalka Premier League isagoo sadex gool u dhaliyay kooxdiisa sidoo kalana sadex kalana caawiyay.
Si Kastaba Le 10 Sport ayaa ka dhawaajiyay in 26-jirkaan reer Argentina uu heshiis la gaaray kooxda Monaco, iyadoo labada kooxood ee Real Madrid iyo As Monaco ay ku heshiyeen qiimaha xidigaan ka hor koobka Aduunka..
Sidoo kale warbixino hor leh ayaa soo baxay kadib koobka Aduunka taasoo fashilisay inuu heshiiska u dhaco sidii lagu balamay iyadoo labada kooxood ay soo kala dhex galeen is afgaran waa.
Ugu dambeyntiina Di Maria ayaa kusoo biiray Manchester United, wuxuuna haatan ka mid yahay ciyaartoyda ugu cad-cad horyaalka si dhaqso ah ayuuna ula qabsaday kooxdiisa.