Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Edinson Cavani Oo Kusii Jeeda Horyaalka Premier League-ga

Warbixin: Edinson Cavani Oo Kusii Jeeda Horyaalka Premier League-ga


Cavani PSG

Xidiga bartilmaameedka u ah Arsenal Edinson Cavani ayaa ku waramay inuu ka dhaqaaqayo kooxda Paris Saint Germain isla markaana uu doonayo u dhaqaaqista Horyaalka Ingiriiska.

Weeraryahankaan reer Uruguay ayaan ilaa haatan saldhigan mustaqbalkiisa, tan iyo markii uu Napoli lacago badan kaga soo biiray 2013, waxaana xidigaan uu dhibaato ku qabaa awooda Zlatan Ibrahimovic oo Paris hogaamiye u ah.

Gunners ayaa aaminsan in 27-jirkaan heerka caalami uu usoo dhaqaaqi doono garoonka Emirates, Metro ayaana ku warantay in xidigaan uu go’aansaday inuu EPl-ka yimaado.

Si Kastaba kooxda ka dhisan faransiiska ayaa aqbali doonta qorshaha ay Arsenal 55 Malyan Oo Pound ugu dooneyso xidigaan waana qiimahii uu kaga yimid Napoli.

Ugu dambeyntii Cavani ayaa PSG u dhaliyay 25-gool, tan iyo markii uu kusoo biiray.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>