Halyeeygii hore kooxda Chelsea iyo Xulka England Frank Lampard ayaa ku waramay inuu sii joogo doono kooxda Manchester City inta ka dhiman xili ciyaareedkaan.
36-jirkaan ayaa haatan qaab amaah ah kula jooga kooxda Manchester City, kadib markii uu si xor ah ugu biiray kooxda ay bah wadaaga yahiin ee New York City ee ka dhisan dalka Mareykanka.
Si Kastaba Lampard ayaa heshiis la gaaray kooxda New York City, taasoo uu leeyahay milkiilaha Man City Sheikh Mansour, waxaana heshiiska amaahda ah ee xidigaan uu dhacayaa bisha January.
Dhanka kale Lampard iyo City ayaa horay ugu heshiiyay in Lampard ay u banaan tahay inuu baahiyo heshiiska amaahda ah isagoo gaarsiin kara kaliya ilaa dhamaadka xili ciyaareedka, sida ay qirtay The Express.
Ugu dambeyntii Lampard ayaa haatan dhaawac kaga maqan kooxda Manchester City wuxuuna dhaliyay 4-gool, lix kulan oo uu kasoo muuqday waxaana ku jira gool uu sadex dhibcood ugu diiday kooxdii uu dhigiisa usoo huray ee Chelsea.