Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Goolhaye David De Gea Oo Man United Ku Wargeliyay Inuu Doonayo Ku Biiritaanka Kooxda Real Madrid

Warbixin: Goolhaye David De Gea Oo Man United Ku Wargeliyay Inuu Doonayo Ku Biiritaanka Kooxda Real Madrid


De Gea

 

David De Gea ayaa u muuqda mid ka socdaalaya Manchester United isla markaana rajeynaya inuu ku biiro kooxda Real Madrid sida ay iclaamisay Goal.com.

Manchester United ayey ku xiran tahay iney sii heysato xidigeeda kaas oo hehsiiska uu kula jiro uu kaliya kaga harsan yahay 12-bilood wuxuuna si xor ah uga tagi karaa xagaaga soo aadan inkastoo ay haatan fursad u heysato iney iska iibiso oo ay lacago ku hesho.

Waxaa soo jiidanaya xidigaan Real Madrid oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn kubada cagta dunida, sidoo kalana wuxuu fursad u helayaa inuu gurigiisii hore dib ugu laabto madama uu yahay wiil kasoo jeeda Madrid.

24-jirkaan ayaa noqday xidiga ugu muhiimsan Manchester United xagaagii dhamaaday balse qudhiisa wuxuu ku qanacsan yahay inuu Madrid ku biiro.

David De Gea ayaa noqon kara xidigii shanaad ee ka taga Manchester United kuna biira Real Madrid 13-kii sano e lasoo dhaafay isagoo raaci kara wadadii.

David Beckham 2003

Ruud Van Nistelrooy 2006

Gabriel Heinze 2007

Cristiano Ronaldo 2009

Man United waxey De Gea kula soo saxiixatay 2011, aduun dhan 17.8 Malyan Oo Pound, waxaana xusid mudan in De Gea uu noqday xidiga xili ciyaaredka Man United labadii xili ee laga soo gudbay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>