Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Goolhaye David De Gea Suurtogal Ka Dhigay Inuu Real Madrid U Dhaqaaqo

Warbixin: Goolhaye David De Gea Suurtogal Ka Dhigay Inuu Real Madrid U Dhaqaaqo


De Gea 1

 

Goolhayaha Kooxda Manchester United David De Gea ayaa ku waramay iney suurtogal tahay inuu mar u dhaqaaqo kooxda boqortooyada Spain ee Real Madrid taasoo raadineysa badalka Iker Casillas.

Da’yarkaan reer Spain ayaa sameeyay hormar weyn, isasgoo ka mid noqday goolhayeyaasha ugu fiican horyaalka Premier League iyo qaarada yurub, kadib markii 12-kii bilood ee lasoo dhaafay uu qabtay shaqo fiican.

Waxaa la rumeysan yahay in xidigaan uu ku riyoodo u dhaqaaqista Real Madrid, iyadoo Marca ay sidoo kale ku warameyso in xidigaan uu mustaqbalka dhaw u dhaqaaqi doono Real Madrid inkastoo uu haatan ku qanacsan yahay nolosha Old Trafford.

Si Kastaba naadiga Los Blancos lagu neynaaso ayaa dhawaanahaan isha ku heysay goolhayahaan horay uga soo muuqday magaalada Madrid madama uu ka mid ahaa kooxda Atletico Madrid iyadoo la dooneysa inuu gashto gacmo gashiga uu dhigi doono Casillas oo da’da ay soo kulaaleyso.

Ugu dambeyntii De Gea wuxuu muuqaalkiisii ugu horeeyay kubada cagta ku yeeshay Atletico Madrid sanadii 2009, waxaana kasoo wareegtay shan sano oo qura.

 

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>