Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Goorma Ayu Christian Benteke Caafimaadka U Mari Doonaa Kooxda Liverpool?

Warbixin: Goorma Ayu Christian Benteke Caafimaadka U Mari Doonaa Kooxda Liverpool?


Benteke

Sida ay tilmaamayaan warbixinada ka imaanaya Ingiriiska Liverpool ayaa kusii dhawaaneysa ine lasoo saxiixato weeraryahanka Aston Villa Christian Benteke.

Xidigan reer Belgium ayaa la sheegay inuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda ku ciyaarta Anfield waxaana la filayaa in todobaadka soo aadan la dhameystiro heshiikiisa kaas oo dhan 32.5 Malyan Oo Pound.

Benteke wuxuu ku sugan yahay Portugal, balse maanta galinka dambe ayey kooxda Aston Villa dib ugu soo laaban doontaa Ingiriiska.

Hadaba warbixinada waxey sheegeen in todobaadkaan gudahiisa uu caafimaadka u mari doono kooxdaan, wuxuuna noqon doonaa saxiixii 10-aad ee ay sameyso Liverpool xagaagan.

Telegraph ayaa sidoo kale sheegtay in Liverpool ay ku raad joogto Pedro Rodriguez oo aan dooney inuu kusii nagaado Camp Nou.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>