Home » Horyaalada » italian Serie A » Warbixin: Jackson Martinez & Geoffrey Kondogbia Ayaa Ugu Horeyn Doona Saxiixyada Lagu Dhisayo Kooxda Ac Milan

Warbixin: Jackson Martinez & Geoffrey Kondogbia Ayaa Ugu Horeyn Doona Saxiixyada Lagu Dhisayo Kooxda Ac Milan


Kondogbia

Kaliya maahan iney ku dhawaaqi doonto saxiixa Jackson Martinez kooxda Milan ee sidoo kale waxey dalab 30 Malyan Oo Euro ah u dirtay kooxda As Monaco iyadoo ka dooneysa xidigeeda reer France Geoffrey Kondogbia.

Sida laga soo xigtay wakiilkiisa xidiga reer Colombia ee kooxda Porto Martinez ayaa ku biiraya Milan dhawaan iyadoo maanta iney saxiixiisa ku dhawaaqdo la filayo.

Dhanka kale Sky Sports Italia ayaa shaacisay in Milan dib u dhis baahsan lagu sameyn doono waxeyna markaan 30 Malyan Oo Euro miiska u saartay Monaco iyadoo ka dalbaneysa 22-jirkeeda madow ee ay dhawaan La Liga Spain ka keensatay.

Sky Sports Italia waxey qirtay in Mr. Bee uu kooxda dib u dhis baahsan ku sameyn doono si ay dib ugu so laabat maqaamkii ay yurub ka laheed xilli.

Adriano Galliani aya uga mahad celiyay Mr. Bee oo leh awoda Milan 48% inuu maalgalin buuxda kooxda ku sameeyo.

Ugu dambeyntii Milan waxey Kondogbia kula dagalami doontaa Inter Milan oo ay xifaaltamaan madama kooxda uu hogaamiyo Mancini ay qudheeda dalab horeeyay dirtay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>