Home » Horyaalada » italian Serie A » Warbixin: Juventus Oo Dhigeeda Schalke 04 Kala Heshiisay Arinta Julian Draxler, Maxaase Dhiman?

Warbixin: Juventus Oo Dhigeeda Schalke 04 Kala Heshiisay Arinta Julian Draxler, Maxaase Dhiman?


Julian Draxler

Sida ay fahantay goal.com, kooxda ka dhisan magaalada Turin ayaa heshiis la gaartay Schalke 04 oo ku aadan da’yarka reer Jarmal Julian Draxler.

Xidigaan ku guuleystay koobka Aduunka ayaa sanadii ka qaadan doona Juve 3.7 Malyan Oo Euro iyo lacago guno ah oo aan la shaacin, iyadoo haatan ay kooxda tiigsatay finalka koobka horyaalada yurub arinta xidigaan ku dhawdahay iney soo dhameyso.

“Haatan waxaa lagu jiraa marxaladii ay wadahadlayeen Schalke iyo Juventus, kadib wadahadalkooda aan aragno waxa dhaca” Ayuu yiri wakiilka xidigaan Roger Wittmann.

Draxler qandaraaska uu kula jiro kooxda Schalke 04 wuxuu dhamaanayaa 2018, waxaana heshiiskisa lagu jabin karaa 45 Malyan Oo Euro.

Juventus xidigaan waxey dooneysaa iney ku iibsato 25 Malyan Oo Euro, halka Schalke ay iyana ku dooneyso 35 Malyan oo Euro.

Allegri ayaa dalbaday in lasoo iibiyo Draxler isagoo doonaya inuu u isticmaalo numberka 10-aad, madama uu xidigaan taageero u yahay.

Ugu dambeyntii Draxler oo koobka Aduunka la qaaday Jarmalka ayaa la filayaa inuu Juve kusoo biiro xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>