SportMediaset ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Juventus ay bisha Janaayo si rasmi ah u iibin doonto xidigeeda ugu muhiimsan Arturo Vidal waxayna Juve diyaar u tahay inay aqbasho €35m kooxdii miiska usoo saarto horaanta sanadka cusub.
27-jirkan mustaqbalka uu kooxda Juve ku leeyahay ayaa mugdi galay kadib markii dhawaan kooxdiisa ganaaxday lacago fara badan sidoo kalena Vidal kartidi iyo waxqabadkii lagu yaqiinay gaabis ayaa ku yimid sababo la xariiro qanacsanaan la’aantiisa ku aadan inuu magaalada Turin baaqi kusii ahaado.
SportMediaset wuxuu sheegay in Juve ay sanadka cusub kubad bur buriyahan iska fasixi doonto waxayna diyaar u tahay inay ku iibiso €35m waxayna lacagtan €10m ka yar tahay lacagihii ay bilawgii xili cayaareedkan Juve ku dooneesay.
Vidal waxaa haatan lala xariirinaa kooxaha Man United, Man City iyo Real Madrid balse naadiga sida dhabta ah u dooneyso ayaa ah kooxda Man United hadaba kooxdan diyaar ma u noqon doontaa sanadka cusub inay xidigan tayada wanaagsan gacanta kusoo dhigto marba hadii ay Juve iska fasaxeyso?