Home » Horyaalada » italian Serie A » Warbixin: Juventus Oo Qiimaha Ay Ku Qaadaneyso Mario Mandzukic Kala Heshiisay Atletico Madrid

Warbixin: Juventus Oo Qiimaha Ay Ku Qaadaneyso Mario Mandzukic Kala Heshiisay Atletico Madrid


Mario Mandzukic celebratates scoring for Croatia in their 1-1 draw with Italy in Poznan

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya talyaaniga Juventus ayaa heshiis la gaartay Mario Mandzukic iyadoo Atletico Madrid ku qanciso qiimo dhan 18 Malyan Oo Euro.

Bianconerri ayaa la sheegayaan iney heshiis la gaartay xidigaan reer Croatia, waxaana la filayaa in agaasimaha kooxda Beppe Marotta uu u duulo Madrid si uu kooxda Vincent Calderon ku ciyaarta uu ugu qanciyo arintaan.

La Stampa, Gianluca Di Marzio iyo Gazzetta dello Sport ayaa isku wada raacay in Marwada duqda ah ay heshiis la gaartay Mario Mandzukic isla markaana uu kooxdaan ugu soo biirayo qiimo dhan 18 Malyan Oo Euro.

Sky Sports Italia ayaa sidoo kale aaminsan in Mandzukic uu heshiis afar sano ah u saxiixii doono kooxdan ka dhisan Turin wuxuuna sanadii qaadan doonaa 3.5 Malyan Oo Euro.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in maanta galinka hore uu Marotta u duulayo Madrid si uu heshiiska u dhameeyo, walow kaliya laga warsugayo in labada kooxood ay xaqiijiyaan arintaan madama heshiiska uu horay u dhacay.

Ugu dambeyntiina Mario Mandzukic ayaa badal u noqonaya Carlos Tevez oo go’aansaday inuu Boca Junior dib ugu laabto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>