Masuulka ugu sareeyo kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa ka aamusi waayay wararka ay qoreen saxaafada dalka England oo sheegayo in Thomas Muller uu kusii dhawaanayo ku biiritaanka naadiga Man United.
Karl-Heinz Rummenigge wuxuu yiri “Waa arin lagu qoslo in Muller uu Man United ku biirayo weliba lacago 100-milyan oo euro ah ay ku qaaneyso”
Karl-Heinz Rummenigge oo la hadlaayay wargeska Kicker wuxuu yiri “Sheekada Muller oo Manchester aadayo waxaan ku tilmaami karaa shimbir badweyna dul hee haabayo!”
Saxaafada Ingiriiska ayaa hadal heesay maal mihii ugu dambeeyay in Thomas Muller ay kooxda Man United ku qaadan dooto 100-milyan oo euro ah.
Balse hadalka kasoo yeeray Karl-Heinz Rummenigge ayaa muujinaayo in Bayern aysan diyaar u ahayn inay xagaagan iska fasaxdo xidigeeda ugu muhiimsan.
Waxaa naga xasuusin ah in Man United dhawaan ay dhigeeda Bayern Munich 15-milyan oo pound kala soo wareegtay ruug cadaa Bastian Schweinsteiger.
Thomas Muller wuxuu heerka kowaad ee Bayern Munich ka tirsan yahay 8-xili cayaareed oo xariir ah wuxuuna Bayern u dhaliyay xidigan 137-gool asigoo u saftay 339-kulan.