Sida ay qortay SPORT kooxda Arsenal ayaa markaan xiiseyneysa burburiyaha dhexe kooxda Barcelona Sergio Busquets iyadoo dooneysa iney ku xoojiso khadka dhexe kooxda.
Arsene Wenger ayaa la aaminsan yahay inuu suuqa yurub ka raadinayo ciyaartoy awood leh oo uu kooxdiisa ku xoojiyo, waxaana la ogaaday in xidigaha uu xiiseynayo uu qeyb ka yahay birta dhexe Barcelona iyo xulka Spain Sergio Busquets.
Sport ayaa sidoo kale warbixinteeda ku dartay in Wenger uu aaminsan yahay in 27-jirkaan reer Spain uu kooxdiisa awood dheeri ah kusoo kordhin doono sidoo kalana uu qibrad ku filan siin karo da’yarka reer France Francis Coquelin.
In Busquets ay hesho Arsenal waa sheeko dhibaato u ah kooxaha kale ee Ingiriiska madama la ogyahay tayada uu leeyahay.
Ma fududa in Barcelona ay sii deyso Busquets waana isku xire aad u wanaagsan oo kaaba daafaca iyo khadka dhexe waana xidig tayo sare leh.