Home » Horyaalada » italian Serie A » Warbixin: Kooxda Atletico Madrid Oo Ka War Sugeyso Go’aanka Uu Qaadan Doono Carlos Tévez

Warbixin: Kooxda Atletico Madrid Oo Ka War Sugeyso Go’aanka Uu Qaadan Doono Carlos Tévez


Tevez

Madaama uu xili cayaareedkan soo idlaaday sidoo kalena Carlos Tevez kooxdiisa Juventus uu ka caawiyay hanashada Serie A-da iyo Copa Italia halka Champion-ka laga qaaday.

Waxaa xidigan waaya araga ah looga fadhiyaa go’aanka uu qaadan doono inta bishan lagu guda jiro waayo horey ayuu u sheegay inuu Juventus isaga hayaami doono hadii uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Kooxda Atletico Madrid ayaa sheegtay inay Carlos Tévez la saxiixan doonto hadii uu si rasmi ah u sheego inuu Juventus isaga hayaami doono.

Atletico Madrid ma qaadi doonto wax talaabo ah ee kooxda Juventus ka careesin doono waxayna sugi doontaa go’aanka Tevez qaadan doono kaasi oo laba waji yeelan karo inuu kooxdiisa sii joogo ama uu ka dhawaajiyo inuu baxayo.

Carlos Tevez qandaraaska uu Juventus ku jiro ayaa ku eg bartamaha sanadka dambe sidaa darteed wargeska Marca ayaa sheegay hadii uu xidigan ka dhawaajiyo inuu baxayo in kooxda Juve ay diyaar u tahay wada hadalo la furto Atletico Madrid.

Waayo Juve qorshaheeda ayaa ah in Carlos Tevez looga badasho Mario Mandzukic oo isagana doonayo inuu kooxdiisa Atletico Madrid isaga hayaamo xagaagan madaama ay isku dhacsan yihiin macalinkiisa Diego Simeone.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>