Manchester United ayaa kusii dhawaaneysa helitaanka Arturo Vidal oo ay mudo badan ku raad joogtay, waase hadii Juan Mata uu dhanka kale ka dago isla markaana uu ku biiro kooxda Juventus ee ka dhisan Turin.
Burburiyaha reer Chile ayaan ilaa iyo haatan la hubin mustaqabalkiisa Juventus waxaana loo maleynayaa in bisha January ama dhamaadka xagaaga soo aadan uu ku biiri doono wiilasha Louis Van Gaal.
Kubad sameeyaha reer Spain Juan Mata wuxuu badal rasmi ah u yahay Arturo Vidal, sida ay ku warantay jariirada dalka talyaaniga kasoo baxda ee Corriere dello Sport.
Wiilkaan reer Spain ayaa kooxda Man United qaabkeeda la qabsan la’ iyadoo uu saameyn ku yeeshay qaab ciyaareedka cusub ee Louis Van Gaal wuxuuna ku qasban yahay inuu kooxda isaga tago.
Imaatinka Di Maria, Falcao iyo Herrera ayaa ka dhigan in Juan Mata uu kooxda mustaqbal weyn kusii laheyn isagoo kaliya kooxda ku sugan wax ka yar hal sano markii uu January 2014 kaga soo biiray kooxda Chelsea.
Ugu dambeyntii Arturo Vidal oo 27-jir ah ayaa kursiga keydka lasoo fariisiyay kulamadii Roma iyo Milan oo ahaa laba kulan oo xasaasi ah taasoo ka dhigan in Allegri uu isbarayo inuu noolaado la’aanta xidigaan.