Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Liverpool Oo La Xariirtay Dhigeeda Monaco Sidii Falcao Looga Iibin Lahaa

Warbixin: Liverpool Oo La Xariirtay Dhigeeda Monaco Sidii Falcao Looga Iibin Lahaa


Falcao (3)

Le Sport 10 ayaasheegay in kooxda Liverpool ay todobaadkan fariin u dirtay dhigeeda AS Monaco waxayna kala hadashay qaabkii xagaagan looga iibin lahaa Radamel Falcao.

Weeraryahanka reer Colombia ayaa ku fashilmay Man United oo uu tan iyo bilawgii xili cayaareedkan qaab amaah kula joogay waxaana la filaa in xagaagan uu dib ugu laabto kooxdiisa Monaco.

Sidaa darteed Liverpool ayaa aaminsan in system-ka ay cayaarto u ku haboon yahay Falcao waxayna dooneysaa inay xagaagan heshiis la gaarto.

Balse Le Sport 10 wuxuu sheegay in Liverpool aysan marnaba diyaar u ahayn inay bixiso lacagaha 35million oo ay kooxdiisa Monaco weeraryahankan ku dooneyso.

Sidaa darteed wada hadalada labada dhinac u bilaawday wuxuu socon doonaa inta ka harsan xili cayaaedkan lama filaayo inay si sahlan heshiis ku wada gaaraan madaama Liverpool diyaar u ahayn inay lacagteeda ku qamaarto markale.

Qorshe kale ayaa sheegayo in Liverpool ay ku dooneyso in qaab amaah lagu siiyo Falcao hadii uu anfacana ay Monaco u siiso lacagaha ay ku dooneyso qaab goos goos a.

Balse Liverpool waxay loolan culus kala kulmi doontaa kooxaha AC Milan, Inter Milan iyo Juventus oo dhamaantood doonayaan inay xagaagan amaah ku qaataan Falcao.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>