Sida ay tilmaamayaan warbixino ka imaanaya talyaaniga kooxda Liverpool ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato burburiyaha kooxda As Roma Radja Nainggolan.
Nainggolan ayaa ka mid noqday xidigaha ugu muhiimsan kooxda Roma tan iyo markii uu sanadii hore kaga soo biiray naadiga Cagliari, balse kooxda uu hogaamiyo Branden Rodgers ayaa dooneysa iney badal ugadhigto Steven Gerrard oo la hubo inuu dhamaadka xagaagan ka dhaqaaqi doono Anfield.
Sidoo kalanaa agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Roma Walter Sabatini ayaa doonaya in xidigaan uu kusii haayo garoonka Olympico.
“Radja Nainggolan? waxaan dooneynaa inaan kusii heyno Roma, goor hore ayaan la hadalnay wiilka” Ayuu yiri Sabatini oo la hadlayay RAI SPORT.
Dhismaha Liverpool ayaa bilaaban doona marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Nainggolan ayaana ka mid ah tiro xidigo ah oo uu Branden Rodgers ku doonayo inuu xaliyo dhibaatada dhexe ee kooxda.
Ugu dambeyntiina Mirelam Pjanic ayaa ka mid ah liska xidigaha Liverpool ay ka dooneyso suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga soo aadan.