Macalinka Manchester United Louis Van Gaal ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo in lasoo afjaro mustaqbalka xidigaha David De Gea iyo Robin Van Persie.
Man United ayaa isniinta u safri doonta dalka Mareykanka iyadoo macalinkaan reer Holland uu doonayo inuu kooxdiisa la safro iyadoo go’aan laga gaaray mustaqbalka xidigaha R.v. Persie iyo David De Gea.
Sida ay ogaatay Mirror, labadaan xidig ee De Gea iyo RVP ayaan ka mid noqon doonin kooxda Van Gaal ee mareykanka u duuleysa wuxuuna doonaya in gabi ahaanba la iibiyo ka hor isniinta.
Xidigii hore Arsenal Robin Van Persie ayaa ku dhaw inuu ku biiro kooxda Fenerbahce ee dalka turkiga isagoo la midoobi doona Luis Nani.
Dhanka kale Valencia iyo Atletico Madrid ayaa qudhooda xiiseynaya kabtanka xulka Holland, dhinaca kalana De Gea ayaa laga iibinayaa Real Madrid.
De Gea wuxuu gali doonaa booska uu baneyanayo Iker Casillas oo ku biiraya maalmaha soo aadan kooxda FC Porto ee dalka Portugal.
Ugu dambeyntiina Van Gaal ayaa markaas wixii ka dambeeya u dhaqaaqaya inuu dhameystiro kooxdiisa si uu ugu dagaalamo koobabka uu u tartamayo xagaaga soo aadan