Home » Horyaalada » La Liga Spain » Warbixin: Macalin Rafeal Benitez Oo Maamulka Real Madrid Ka Dalbaday Inay Iska Iibiyaan Illarramendi

Warbixin: Macalin Rafeal Benitez Oo Maamulka Real Madrid Ka Dalbaday Inay Iska Iibiyaan Illarramendi


Illara

Wargeska Marca ayaa sheegay in macalin Rafeal Benitez uusan u baahneysn Asier Illarramendi wuxuuna maamulka Madrid u sheegay in xidigan la iska iibiyo.

Laacibkan khadka dhexe ku wanaagsan xagaagan xaalkiisa ma fadhinin wuxuuna sugaayay inuu mar un macalina cusub ee Real Madrid hadlo si uu mustaqbalkiisa cayaareed meel ugu dhaco.

Madaama Marca ay shaacisay in Illarramendi looga baahneyn Madrid xidigan iyo wakiilkiisa fadhi uma yaalo waxayna baadi goob u gali doonaan kooxdii ay ku biiri lahaayeen.

Benitez wuxuu u sheegay gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez inuusan u baahneyn Illarramendi sidoo kalena lagu daro liiska xidigaha la fasixi doono.

Real Madrid waxay ku dooneysaa xidigan 25-milyan oo euro ah waxaana siweyn ugu raad joogto naadiga Liverpool halka Arsenal, Tottenham iyo Real Sociedad ay sidoo kalena xidigan baadi goob ugu jiraan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>