Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Macalin Van Gaal Ma Doonayo Paul Pogba Ee Wuxuu Isha Ku Hayaa Kevin Strootman

Warbixin: Macalin Van Gaal Ma Doonayo Paul Pogba Ee Wuxuu Isha Ku Hayaa Kevin Strootman


Strootman (2)

Manchester Evening News ayaa shaaca ka qaaday in macalin Luis Van Gaal uusan ku hawlaneyn soo xero galinta Paul Pogba balse qorshihiisa uu yahay sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa Kevin Strootman.

Macalin Van Gaal mudo dheer ayuu ku raad joogay Kevin Strootman wuxuuna doonayaa inuu xagaagan Roma kaga soo qaato qiimo walbo oo ay dul dhigto xidigan khadka dhexe ku wanaagsan.

Inkastoo saxaafada dalka England ay hadal heyso in Man United ay Pogba lacago badan dib ugu soo ceshan doonto hadana macalin Van Gaal xiiso uma qabo xidiga reer France oo haatan ka mid ah laacibiinta caalamka ugu wanaagsan.

Sidaa darteed Van Gaal ayaa la sheegay inuu £40million gacanta ka saari doono Roma si uu kaga helo Strootman oo muhiim u noqon karo shaxda Van Gaal cayaaro.

Sidoo kale xidiga reer Holland horey ayuu u sheegay inuu ka faa’iideesan doono fursad walbo oo uu dib kula midoobayo macalinkiisii hore Van Gaal oo ay xulka Holland ka wada shaqeyn jireen.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>