Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Man United Oo Ay U Badan Tahay Iney Weyso Ramos, Madama Uu Ku Dhaw Yahay Inuu Saxiixo Heshiis Cusub

Warbixin: Man United Oo Ay U Badan Tahay Iney Weyso Ramos, Madama Uu Ku Dhaw Yahay Inuu Saxiixo Heshiis Cusub


Ramos

Daafaca dambe ee kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiiska u kordhin doono kooxdiisa taasoo ka dhigan in Man United ay ku fashilantay iney lasoo saxiixato xidigaan madama si ba’an loola xiriiriyay.

Sergio Ramos ayaa dhawaan ku wargaliyay Florentino Perez inuusan dooneyn saxiixa heshiis cusub isla markaana uu United daneynayo, balse kooxda ka dhisan magaalada Madrid wey ka biyo diiday iney xidigaan ka iibiso kooxda uu dalbanayo.

28 Malyan Oo Pound dalab ah ayaa laga soo diiday Man United, iyadoo sidoo kale Man United ay ku adkeysay helitaanka De Gea iyadoo shuruud kaga dhigtay inuu heshiis qeyb ka noqdo Ramos.

Si Kastaba Marca ayaa daabacday in Ramos uu sii joogi doono Bernabeu madama uu dalka Shiinaha wadahdal kula yeeshay Perez.

Dhanka kale hadii uu Ramos heshiiska u kordhiyo kooxdiisa waxey ka dhigan tahay in Man United ay weysay xidigaan iyadoo markaas u dhaqaaqi doonto midkood: Hummels, Stones iyo Otamendi.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>