Kadib markii kooxda Valencia ay shaaca ka qaaday in daafaceeda Nicolas Otamendi ay kaga samri karto €50M oo kaliya.
Kooxda Man United ayaa haatan qorshaheeda badashay waxayna dooneysaa inay siyaasad kale kula xaajooto kooxda reer Spain.
Man United ayaa dhigeeda Valencia u bandhigi doonto xidigaha Nani iyo Javier Hernandez inay heshiiskan qayb ka noqdaan waana qorshha sahli karo in Otamendi uu xagaagan Old Trafford usoo dhaqaaqo.
Macalinka kooxda Valencia Nuno ayaa taageero u ah Nani iyo Chicharito wuxuuna maamulka Valencia ku cadaadin doonaa in qorshaha Man United la aqbalo madaama uu aaminsan in kooxdiisa faa’iido weyn ugu jirto.
Wargeska Plaza Deportiva ayaa sheegay in Man United ay lacago iyo labadan xidig midkood inay Valencia doorato hor dhigi doonto waxaana la filaa in wada hadalada labadan naadi la ama qaado bilaaga todobaadka dambe.
Javier Hernandez xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday qaab amaah ayuu kooxda Real Madrid kaga tirsanaa wuxuuna doonayaa inuu Man United isaga hayaamo madaama uusan kalsooni ka heesanin macalin Van Gaal.
Sidoo kalena Nani isagana koxoda Lisbon ayuu amaah kula joogay wuxuuna diyaar u yahay inuu naadiga Valencia u dhaqaaqo madaama uu boos joogto ah kooxda reer Spain ka heli doono.