Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Man United Oo Diyaar U Ah Iney Iska Iibiso Mid Ka Mid Ah Xidigaheeda Ugu Muhiimsan

Warbixin: Man United Oo Diyaar U Ah Iney Iska Iibiso Mid Ka Mid Ah Xidigaheeda Ugu Muhiimsan


falcao-van-persie

Kooxda Manchester United ayaa ku warantay iney diyaar u tahay iney iska iibiso weeraryahanka reer Holland Robin Van Persie marka uu dhamaado xagaagan.

Louis Van Gaal ayaan dooneyn inuu wax badan kusii haayo xidigaan garoonka Old Trafford, wuxuuna u dhaqaaqi doonaa badalkiisa.

Robin Van Persie wuxuu 24 Malyan oo Pound kaga soo biiray kooxda United kooxda ay xifaaltamaan ee Arsenal sanadii 2012, balse xili ciyaareedkaan dhaawacyo ayaa hareeyay.

31-jirkaan ayaa dhaliyay kaliya 10-gool xili ciyaareedkaan oo idil inkastoo todobaadyadii ugu dambeeyay uu dhaawac dhanka jilibka ah kooxda kaga maqnaa.

Daily Star ayaa ku warantay in Man United ay diyaar u tahay dhageysiga dalabyada kaga imaanaya kooxaha doonaya RVP, waxeyna iska ilaalineysaa inuu si xor ah kaga tago June 2016.

Dhanka kale kooxda reer Turkey ee Fenerbahce ayaa xiiseyneysa xidigaan heerka caalami, sidoo kalana kooxo yurub ka dhisan ayaa xiiseynaya.

Ugu dambeyntii United ayaa u dhaqaaqi doonta weeraryahankii badali lahaa booskiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>