Manchester United ayaa xaqiijisay iney dooneyso kubad sameeyaha kooxda Bayern Munich Bastian Schweinsteiger balse ka dalbaneysa xidigaan inuu dhimo mushaarka 10-ka Malyan ah oo uu sanadii ka qaato kooxda uu haatan joogo ee Bayern.
Louis Van Gaal ayaa taageero u ah halyeygan reer Jarmal kaas oo koobka aduunka kula guuleystay xulkiisa sanadii hore isagoo doonaya inuu Old Trafford keeno.
Sida ay fahantay Starsports maamulka Man United ayaa wadahadalo la furaya Bastian Schwweinsteiger si ay xidigan u keenaan Old Trafford marka uu suuqa kala iibsiga furmo.
Helitaanka Bastian kaas oo ka imaana mid ka mid ah kooxaha ay aaminsan tahay United iney kula xifaaltami doonto koobka horyaalada yurub xagaaga soo aadan, iyadoo kooxda Van Gaal ay sanadka soo aadan ka go’an tahay iney koob ku guuleysato.
Van Gaal iyo Bastian waxey waqti wanaagsan kusoo wada qaateen Bayern Munich waxaana la leeyahay saaxibtinimada ka dhaxeysa labadaan shaqsi ayaa keeni karta in Bastian uu yimaado Magaalada Manchester.
Dhanka kale Van Gaal ayaa doonaya in kooxdiisa ay hesho xidig khabiir ah oo kooxda kubada u maamula, waxaana indhihiisa ay qabteen Bastian kaas oo in ka badan 500 kulan u saftay kooxdiisa, sidoo kalana kula guuleystay sideed horyaal iyo hal Champions League.
Ugu dambeyntii Ed Woodward ayaa qudhiisa doonaya in heshiiska si dhaqso ah ay u dhameeyaan waase hadii uu Bastian ogolaado inuu mushaar dhimis sameeyo.