Sda ay ku waramayaan warbixinada ka imaanaya Ingiriiska kooxda Manchester United ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca da’da yar ee kooxda Everton John Stones.
Chelsea ayaa sameysay isku day ay daafacaan kusoo xerogalineyso, balse waxaa laga diiday dalab 20 Malyan Oo Pound ah iyadoo Roberto Martinez uu sheegay in xidigaan uusan iib aheyn, sidoo kalana dalab 30 Malyan ah ayey isku diyaarinayaan iney gudbiyaan.
Si kastaba Everton wey kasoo horjeesatay damaca Jose Mourinho, balse markaan Louis Van Gaal kooxdiisa ayaa kusoo biirtay taasoo suuqa ka baadi goobeysa daafac tayo sare leh oo kooxda awood kusoo kordhiya.
Hummels, Otamendi iyo Ramos ayey ku raad joogeen walow aysan wali gacanta midkood kusoo dhigin waxaana Mirror ay ku warantay in markaan ay u weecaneyso Stones.
Sidoo kalana Everton waxey xiiso u qabtaa Jonny Evans taasoo fududeyn karta in labada kooxood ay arimaha labadaan xidig go’aan ka gaaraan.