Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Manchester United Oo Beenisay Iney Dalab Ka Gudbisay Daafaca Valencia Nicolas Otamendi

Warbixin: Manchester United Oo Beenisay Iney Dalab Ka Gudbisay Daafaca Valencia Nicolas Otamendi


Otamendi

 

Sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxda Manchester United ayaa beenisay iney dalab u gudbisay daafaca kooxda Valencia Nicolas Otamendi.

Sida ay qoreen warbaahinta Spain, kooxda Valencia ayaa iska diiday dalab ay ka heshay koox aan la magacaabin oo xidigaan dooneysay, balse wariyaha caanka ah ee ku xeel dheer arimaha Spain Guillem Ballague ayaa qiray in dalabkaas uu ka yimid Louis Van Gaal.

Si Kastaba, Mirror ayaa qirtay in ilo ku dhaw Manchester ay xaqiijiyeen in kooxdaan ku ciyaarta Old Trafford ay beenisay dalabkaas la sheegay inuu xagooda ka yimid.

26-jirkaan reer Argentina ah daafac aad uga soo shaac baxay horyaalka Spain, wuxuuna ku jiraa wiilasha uu ku faano macalin Tata Martino.

Ugu dambeyntii Nicolas Otamendi ayaa u saftay xulkiisa Argentina 18-kulan, inkastoo uusan wali shabaqa soo taaban.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>