Sida ay sheegayaan warbixino aan hubaal aheyn kooxda Man United ayaa dalab 35 Malyan Oo Pound ah ka gubdisay daafaca Real Madrid Sergio Ramos.
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay isi soo tarayay warar xan ah oo xidigaan 29-jirka reer Spain la xiriirinaya kooxda Man United isagoo sidoo kale doonaya inuu isaga tago xagaagan garoonka Santiego Bernabeu.
Goolhayaha Man United David De Gea ayaa si ba’an loola xiriirinayaa Real Madrid, waxaana loo maleynayaa in kooxda reer Spain ay heshiis is dhaafsi ah u adeegsan doonto saxiixa goolhayahaan.
Si kastaba, waxey had walba ku xiran tahay sida uu u dhaco heshiiska 24-jirkaan, balse United waxey 35 Malyan Oo Pound ku tijaabineysaa dalab ay u direyso Madrid sida ay sheegtay Manchester Evening News.
Sergio Ramos heshiiska uu Madrid kula jiro waxaa lagu jabin karaa 128 Malyan Oo Pound, balse waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Madrid ay hoos usoo dhigeyso qiimahiisa si ay u hesho De Gea.
Ugu dambeyntii Sergio Ramos wuxuu Madrid kusoo biiray sanadii 2005 isagoo markaas ka yimid Sevilla, heshiiska uu kula jirana wuxuu dhacayaa 2017.