Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Manchester United Oo Heshiis Sadex Sano Ah Ku Abaalmarineysa Madaalaha Reer England Ashley Young

Warbixin: Manchester United Oo Heshiis Sadex Sano Ah Ku Abaalmarineysa Madaalaha Reer England Ashley Young


Young

Ashley Yound ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis cusub qalinka ugu duugi rabo kooxda Manchester United kadib xili ciyaareed qurux badan oo uu kooxda la qaatay.

Inkastoo imaatinkii Van Gaal aan la rumeysneyn in Young uu kusii nagaan doono Old Trafford hadana waxaa dhacday inuu noqdo xidiga ugu muhiimsan kooxdii kaalinta afaraad ku dhameysatay ee United xagaagan dhamaaday, wuxuuna noqday safka hore isasgoo kooxda ka caawiyay boosas badan.

29-jirkaan reer England ayaa muteystay in kooxda ay damacdo iney heshiis cusub ka saxiixdo madama uu wali leeyahay tayo sare oo kooxda waxtar u lahaan karta.

Mirror ayaa qortay in bisha soo aadan uu Ashley Young saxiixi doono heshiis sadex sanadood ah oo dheeraad ah.

Young wuxuu United kusoo biiray sanadii 2011 isagoo kaga yimid kooxda Aston Villa, wuxuuna xagaaga soo aadan dagaal culus la gali doonaa Memphis Depay oo ah da’yar tayo sare leh.

Ugu dambeyntii kadib bandhigiisii xagaagan, Roy Hodgson ayaa xidigaan damcay inuu dib ugu soo celiyo xulka England oo uu mudo ka maqnaa balse dhaawac ayaa u diiday in lagu daro xulka England ee la ciyaari doona Republic of Ireland iyo Slovenia.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>