Sida ay qoreyso jariiradda Marca ee Spain kasoo baxda wiilka yar ee Jarmalka ah Mario Goetze ayaa qeyb ka noqon doona heshiiska uu Arturo Vidal ku aadayo kooxda Bayern Munich.
Vidal ayaa ku dhaw ku biiritaanka Bayern Munich, waxeyna Juventus qorsheyneysaa iney Bavarians-ka kasoo qaataan Mario Goetze.
Max. Allegri ayaa doonaya inuu amaah laba sanadood ah ku helo Mario Goetze oo ku rafaadsan garoonka Allianza Arena, waxaana markaas ay Bayern bixin doontaa 30 Malyan oo Pound.
23-jirkaan wuxuu boos joogto ah ka waayay kooxda Pep Guadiola wuxuuna ku faraxsan yahay inuu isaga tago kooxdaan walow uu dhawaan kaga soo biiray Borrusia Dortmund.
Juventus ayaa siineysa fursad uu ku badbaadiyo mustaqbalkiisa wuxuuna ku biiri doonaa kooxda ka dhisan Turin hadii labada kooxood ay isku raacaan heshiiska.
Ugu dambeyntii wiilkii dhaliyay goolkii guusha oo ay Jarmalka ku qaadeen koobkii Aduunka ee lagu qabtay dalka Brazil baramahii sanadii lasoo dhaafay ayaa waaya cusub furan doona hadii wax walba suuagalaan.