Daafaca Kooxda Borrusia Dortmund Mats Hummels ayaa ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay nolosha kooxdiisa xili ay xidigaan ku raad joogaan kooxo ka dhisan horyaalka Ingiriiska.
26-jirkaan heerka caalami ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda ku ciyaarta Signal Iduna Park madama ay aad u xiiseynayaa kooxaha Arsenal iyo Manchester United, inkastoo wararka xidigaan la xiriirinaya ay isi soo tareen markii ay wiiqantay Awoodii Dortmund.
Borrusia Dortmund ayaa fadhisa booska 17-aad ee horyaalka, waxaana la filayaa ineysan usoo gudbin Champions League xili ciyaareedka soo aadan.
Si Kastaba Mats Hummels ayaa ka dhawaajiyay sida uu ugu faraxsan yahay sii joogitaanka kooxdiisa, “Dhamaan wararka xanta ah ee la sheegayo kama hadlin, waxaana sameyn doonaa sidii aan sameeyay markii hore”
“Kaliya iguma xirna aniga in kooxda ay usoo gudubto Champions League, farxadeydana kuma xirna inaan ciyaaro tartankaas oo qura” Ayuu yiri Mats oo la hadlayay Die Welt.
“Laga yaabee inaan weyno ciyaartoy badan marka aan usoo bixi weyno Champions League, xitaa hadii aan weyno 15 ciyaariyahan waxaan xiliga soo aadan ahaan doonaa koox sare”
Ugu dambeyntii Mats Hummels ayaa kusoo biiray Dortmund sanadii 2008, isagoo kaga yimid kooxda Bayern Munich in ka badan 200 ayuuna u saftay kooxdiisa.