Home » Horyaalada » italian Serie A » Warbixin: Mauro Icardi Oo Xaqiijiyay In Real Madrid Ay Isku Dayday Saxiixiisa Xagaagan

Warbixin: Mauro Icardi Oo Xaqiijiyay In Real Madrid Ay Isku Dayday Saxiixiisa Xagaagan


Icardi

Weeraryahanka kooxda Inter Milan Mauro Icardi ayaa ka dhawaajiyay in Real Madrid ay isku dayday iney lasoo saxiixato bilowgii xagaagan.

Los Blancos ayaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka baadi goobeysa weeraryahan tayo sare leh madama uu dib ugu laabtay kooxdisii hore Javier Hernandez oo amaah sanad ah ku joogay kooxdaan.

22-jirkaan reer Argentina kaas oo 22-gool shabaqa la helay xagaagii dhamaaday horyaalka Serie A-da, ayaa xiiso ka helay Madrid.

Si kastaba ha ahaatee Icardi ayaa si cad ugu sheegay Madrid inuu aad ugu faraxsan yahay joogitaanka kooxda Inter Milan wuxuuna ka doorbiday inuu kooxdiisa heshiiska u kordhiyo.

“Real Madrid ayaa isku dayday iney ila soo saxiixato” Icardi ayaa u sheegay AS.

“Balse aniga waxaan ku faraxsansahay Inter heshiis cusub ayaana u saxiixay”

“Waxaan dooneynaa inaan xagaaga dambe kusoo laabano Champions League-ga”

Icardi ayaa kasoo baxay kooxda yaryar ee Barcelona, balse Sampdoria ayuu ku biiray inkastoo uu sanadii 2013 ku biiray Inter Milan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>