Home » Horyaalada » La Liga Spain » Warbixin: Neymar Oo Ay Ku Qaadatay Mudo Gaaban Inuu 50-gool Kooxdiisa Barcelona Ugu Dhaliyo

Warbixin: Neymar Oo Ay Ku Qaadatay Mudo Gaaban Inuu 50-gool Kooxdiisa Barcelona Ugu Dhaliyo


Neymar

Weeraryahanka reer Brazil labo xili cayaareed ayuu ka tirsan kooxda Barcelona waxaana u suura gashay inuu mudo gaaban todobaadkan 50-gool ku dhaliyo.

Ha iloobin Barcelona waxaa hogaamiye u ah Lionel Messi oo ah gool dhaliyaha aduunka ugu wanaagsan hadana Neymar dadaal dheeri ah ayuu sameeyay.

Weeraryahanka reer Brazil 87-kulan ayay ku qaadatay inuu 50-gool kooxda Barcelona ugu dhaliyo wuxuuna goolkiisii ugu dambeeyay ka dhaliyay kooxda Real Sociedad cayaar Barcelona 2-0 guusha ku qaadatay.

Hadii aan sharaxaad dheeri ah ka bixino goolasha uu Neymar dhaliyay 31-gool oo ka mid ah La Ligaha Spain ayuu ka dhaliyay (xili cayaareedkii hore 9-gool iyo xili cayaareedkan 22-gool).

Sidoo kale xidiga reer Brazil goolkiisii ugu horeeyay tartanka Super Cup-ka Span ayuu ka dhaliyay weliba waa gool Barcelona koobka gacanta u galiyay wuxuuna ka dhaliyay naadiga Atletico Madrid!

Marka laga hadlaayo koobka horyaalada Yurub Neymar wuxuu ka dhaliyay guud ahaan 11-gool weliba xili cayaareedkan ayuu 7-ka mid ah dhaliyay.

Ugu dambeyntii Neymar Copa del Rey isagana wuxuu ka dhaliyay 7-gool waxaana xusid mudan in 6-ka mid ah uu xili cayaareedkan dhaliyay.

Dhaqaaqa uu sameeyay Neymar ayaa lala yaaban yahay weliba xili cayaareedkan ayuu la yimid dhalin dheeraad ah waayo xili cayaareedkii hore guud ahaan 15-gool ayuu dhaliyay halka xili cayaareedkan uu maraayo 35-gool!!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>