Sida ay ku warantay jariiradda L’Equipe ee fadhigeedu yahay dalka faransiiska kooxda Paris Saint Germain ayaan xiiso u qabin da’yarka kooxda PSV Eindhoven Memphis Depay kaas oo ah xidiga ugu badan ee laga hadal hayo suuqyada yurub waqtigaan.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii agaasimaha kooxda PSV uu qiray in kooxaha Liverpool iyo PSG ay Man United kaga horeeyaan saxiixa xidigaan, balse haatan warar laga helay faransiiska ayaa sheegaya in kooxdan uu hogaamiyo Laurent Blanc aysan daneyneynin saxiixa Memphis Depay.
L’Equipe waxey warbixinteeda intaas ku dartay in PSG ay ka go’antahay soo xerogalinta Paul Pogba oo ka tirsan kooxda Juventus, iyo garabka Man United Angel Di Maria.
Arintaan ayaa ah mid farxad galineysa Liverpool madama ay kali ku noqoneyso loolanka loogu jiro saxiixa Memphis Depay.
Ugu dambeyntii maamulka PSG waxaa ka go’an iney kooxda xoojiyaan xagaaga dambe balse uma baahna xiig sida Memphis Depay oo kale.