Home » Horyaalada » italian Serie A » Warbixin: Radja Nainggolan Iyo Wakiilkiisa Oo Diyaar U Ah Inay Real Madrid Xagaagan U Dhaqaaqaan

Warbixin: Radja Nainggolan Iyo Wakiilkiisa Oo Diyaar U Ah Inay Real Madrid Xagaagan U Dhaqaaqaan


Radja Nainggolan

Kubad bur buriyaha xulka Belgium Radja Nainggolan kana tirsan kooxda Real Madrid ayaa haatan lala xariirinaa naadiga Real Madrid.

Radja Nainggolan iyo wakiilkiisa ayaa ka jawaabeen wararka sheegayo in kooxda Real Madrid ay dabagal ku heyso waxayna soo dhaweeyeen fursada ay xagaagan garoonka Bernabue ku aadi karaan.

Ludovico Spinosi oo ah wakiilka xidigan wuxuu yiri “Waxaan u maleynaa in Nainggolan uu Roma ku qanacsan yahay balse hadii Real Madrid dalab rasmi ah usoo diirto waa hubaal inuusan diidi doonin”

“Nainggolan wuxu ku jiraa xiligiisii ugu wanaagsanaa sidii darteed la yaab ma ahan in Real Madrid ay xiiseyneyso balse wax talaabo ah ma qaadi doono ilaa kooxdiisa Roma si toos ah loola soo xariiro”

Radja Nainggolan oo aad ugu wanaagsan dhanka kubad bur burinta waxaa sidoo kale milkiyadiisa qayb ka leh naadiga Cagliari taasi oo heshiis walbo ee lagu qaadanaayo qayb ka mid ah iska lahaan doonto.

Xidigan awooda badan waxaa lagu qiimeeyaa 25-milyan oo euro ah waana qiimo ay Real Madrid bixin karto ayadoo kooxda reer Spain dooneyso inay Naingglon booskii Sami Khedira uu baneeyay ay galiso.

Radja Nainggolan sidoo kale waxaa dabagal ku hayaan kooxaha Man United, Liverpool, Chelsea iyo Man City waxaana la filaa in xagaagan uu Roma isaga hayaamo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>