Real Madrid ayaa ka joogi weysay dalabyada kooxaha Chelsea iyo Manchester United ay kasoo gudbinayaan daafaca da’da yar ee xulka Faransiiska Raphael Varane iyadoo ku wargalisay in xidigaan ay ku heli karaan 19 Malyan Oo Pound.
Varane waxaa magaciisa aduunka baray Jose Mourinho oo kusoo kordhiyay kooxdiisa wuxuuna u adeegsaday dhowr kulan oo El-Clasico ah waqtigiisii Real Madrid, isagoo kusoo baxay daafac adag oo banaanka yaala.
Warbixino ka imaanaya gudaha Spain ayaa sheegaya in Carlo Ancelotti uu diyaar u yahay inuu kooxaha xidigaan doonaya kala hadlo saxiixiisa, xili xidigaan sadex kulan kaliya uu kusoo bilowday xili ciyaareedkaan.
Jose Mourinho ayaa doonaya inuu dib ula midoobo Raphael Varane si uu badal uga dhigo bisha sii dhaceysa [John Terry] isagoo aaminsan inuu yahay xidigaan wiilka ka dhiman shaxdiisa.
Dhanka kale Louis Van Gaal oo raadinaya shaxda loo dhibtooday ee dhalisay dhibaatada dambe ee daafaca United ayaa isna dalab u diray Real Madrid walow labada kooxood uu ka dhaxeeyo xiriir is weydaarsi ciyaartoy.
Si Kastaba Chelsea ayaa sidoo kale xiriir la sameysay Pique iyadoo u adeegsaneysa Cesc Fabregas oo saaxiib dhaw la ah, balse bisha January marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ayaa la dardar galin doonaa arimaha xidigaan.