Waxaa soo ifbaxday in daafaca xulka France Raphael Varanehoraanta bisha Janaayo ay kooxdiisa Real Madrid iibin doonto kadib markii uu iska diiday inuu kursiga keydka ah u fadhiyo Sergio Ramos iyo Pepe.
Weliba waxaa la sheegay in Madrid ay 21-jirkan ka iibin doonto naadigii la timaado £19M waxaana loo badinaa inuu dib ula midoobi doono macalinkiisii hore Jose Mourinho oo haatan leyliyo kooxda Chelsea.
Hadaba wargesyada ugu caansan dalka Spain sida Marca iyo AS ayaa isku raaceen in qorshaha Varane lagu fasixi doono uu yahay fashil weyn oo aan laga fiirsanin.
Macalin Carlo Ancelotti wiilkan boos joogto ah uma haayo sida darteed isagana wuxuu dalbaday in la iska fasaxo inkastoo uu dhawaan heshiis waqtigiisa dheer yahay qalinka ku duugay.
Hadaba Madrid ayaa u qaldami rabto sidii ay Man United ugu qaldantay fasixii ay Paul Pogba iska fasaxday waxaana xidigan tayadiisa ka faa’iideestay naadiga Juventus.
Haatana Pogba wuxuu ka mid yahay laacibiinta aduunka ugu wanaagsan sidaas si la mid ah shaki kuma jiro Varane inuu noqon doono daafaca aduunka ugu wanaagsan mustaqbalka dhow balse waxqabadkiisa Chelsea inay ka macaashi doonto ayay u egtahay hadii aysan Madrid ka laabanin go’aankan qaldan!!