Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Robin Van Persie Oo Doonaya Inuu Isbuuc Walba Ciyaaro Xili La Hadal Hayo Inuu Ka Tagayo Old Trafford

Warbixin: Robin Van Persie Oo Doonaya Inuu Isbuuc Walba Ciyaaro Xili La Hadal Hayo Inuu Ka Tagayo Old Trafford


RVP

Kabtanka xulka Holland Robin Van Persie ayaa doonaya inuu isbuuc walba ciyaaro sida ay qoreen warbixino ka imaanaya Ingiriiska isagoo diyaar u ah inuu tartamo isla markaana uu ku biiro mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee yurub hadii uu kooxdiisa ka waayo boos joogto ah.

Warar xan ah oo ay qorayeen warbaahinta kubada cagta ayaa sheegayay bilihii ugu dambeeyay in Robin Van Persie uu ka mid yahay liiska xidigaha uu maclin Louis Van Gaal ka dirayo Old Trafford xili 31-jirkaan reer Holland uusan kulamo badan kasoo muuqan xagaagan dhamaaday.

“Waxaan doonayaa inaan helo safka hore si aan u ciyaaro isbuuc walba walibana ka ciyaaro koox heer sareysa” Ayuu yiri Robin Van Persie.

“Kooxda waxaa ku sugan xidigo waaweyn, Louis Van Gaal-na maahan tababare Robin Van Persie ah ee waa tababare Manchester United ah” Ayuu yiri isagoo ugala jeeday in macalinka uusan kaligiis macalin u aheyn.

Si kastaba Robin Van Persie wuxuu doonayaa inuu boos joogto ah helo, inkastoo uu diyaar u yahay inuu nasiibkiisa meel kale ku tijaabiyo hadii loo sheego inuusan boos joogto ah ka heleynin United.

Ugu dambeyntii sheekada xidigaan waxey kala cadaan doontaa marka Louis Van Gaal uu helo weeraryahanka uu ku raad joogo iyo kulanka isaga iyo macalinka wixii kasoo baxo kaas oo lagu wado inuu dhawaan qabsoomo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>