Warar ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegay in Victor Valdes uu ogolaaday inuu ku biiro Manchester United, waxaana heshiiska uu dhici doonaa bisha January marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Victor Valdes oo 32-jir ah ayaa dhaawac uu soo gaaray bishii March ee sanadkaan markaas oo Barcelona ay kulan ka tirsan La Liga la ciyaareysay Celta Vigo, inkastoo dhaawacaas dhanka jilibka ah uu kasoo kabtay hadana qandaraaska uu kula jiray Barca ayaa dhamaaday bishii June taasoo haatan ka dhigeysa inuu si xor ah ku joogo suuqa.
Victor Valdes oo Barcelona kula guuleystay sadex Champions League ayaa dhawaan loo ogolaaday inuu si xor ah kula tababarto kooxda Manchester United madama uusan kooxna ka tirsaneen.
Fichajes ayaa ku warantay in Victor Valdes uu Manchester United ku biiri doono bisha January madama aan la hubin mustaqbalka goolhaye David De Gea kaas oo dalabyo xoog leh ay kaga imaanayaan Real Madrid.
Ugu dambeyntii Valdes wuxuu noqon doonaa dooqa koowaad ee Louis Van Gaal hadii, De Gea uu ka tago kooxda, balse hadii goolhaye De Gea uu baaqi kusii ahaado Old Trafford wuxuu noqon doonaa dooqa labaad.