Waxaa dhamaadka todobaadkan la cayaari doonaa kulamada isreeb reebka Euro 2016 waxaana ka qayb qaadan doonaan dhamaan dalalka ku mideesan xiriirka kubada cagta Yurub.
Dal walbo wuxuu doonayaa inuu sanadka 2016 xagaagiisa kasoo muuqdo tartankan qiimaha badan ee lagu qaban doono dalka France hadaba taariikh ahaan waxaan idiin heynaa xulalka ugu safashada badan tartankan ee inta badan 4-sano mar markii la qabto kasoo muuqdaan.
Hadaba waxaa xusid mudan in uusan jirin xul ka wada qayb qaatay dhamaan 14-jeer ee qaramada Yurub la qabtay sidaa darteed hoos kaga bogo sida loogu kala badan yahay kasoo muuqashada tartankan qiimaha badan:
Germany: waxay tartanka qaramada Yurub ka qayb qaateen 11-jeer.
Russia ama Midowgii Soviet: waxay tartanka qaramada Yurub ka qayb qaateen 10-jeer.
Spain iyo Holland: waxay ka wada qayb qaateen tartanka qaramada Yurub min 9-jeer.
Denmark, Italy, England, France iyo Czechoslovakia (Czech Republic): waxay ka wada qayb qaateen tartanka qaramada Yurub min 8-jeer.
Sidoo kale xulalka ugu safashada yar waa Austria, Latvia, Norway, Slovenia iyo Ukraine: waxay ka qayb qaateen tartanka qaramada Yurub min 1-jeer.