Horyaalada Yurub ugu caansan haatan meel xasaasi ah ayay marayaan waxaana ugu yaraan ay socdaan horyaaladan mudan 4-bilood ah.
Sidaa darteed horyaalada (EPL, La Liga, Bundesliga iyo Serie A) xidigaha ugu waxqabadka wanaagsan ayaan idiin soo xulnay, waxaana qiimeyntan safka hore kusoo baxeen 10-laacib oo ilaa haatan xili cayaareedkan 2014/15 laga yaaban yahay bandhigooda aadka u sareeyo.
Hadaba xidigahan ayaa lagu amaanay waxqabadkooda guud kulamada ay ilaa haatan cayaareen waxayna laacibiintaan kala yihiin:
Cristiano Ronaldo (Real Madrid): 11-kulan, 20-gool sidoo kalena 6-kubad ayuu dhiibay.
Lionel Messi (Barcelona): 12-kulan, 10-gool, sidoo kalena 7-kubadood ayuu dhiibay
Arjen Robben (Bayern Munich): 8-kulan, 5-gool sidoo kalena 3-gool ayuu dhiibay.
Carlos Tevez (Juventus): 11-kulan, 9-gool sidoo kalena 5-kubadood ayuu dhiibay.
Eden Hazard (Chelsea): 12-kulan, 4-gool, sidoo kalena 1-kubad ayuu dhiibay.
Alexandre Lacazette (Lyon): 14-kulan, 11-gool sidoo kalena 4-kubad ayuu dhiibay.
Diego Costa (Chelsea): 10-kulan, 12-goool balse wax gool ah ma uusan basin.
Kevin De Bruyne (Wolfsburg): 12-kulan, 1-gool sidoo kalena 9-kubadood ayuu dhiibay.
Neymar (Barcelona): 11-kulan, 11-gool sidoo kalena 3-kubadood ayuu dhiibay.
Karim Benzema (Real Madrid): 10-kulan, 7-gool, 5-kubadood ayuu dhiibay.
F.G: xogtaan ayaa ku saleesan kaliya laacibiintan kulamada ay kasoo muuqdeen horyaalada kala duwan.